Dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin iyo maleeshiyaatka dowlada Ridada ayaa markale ka dhacay deegaanka Ceel-geelow oo ah deegaan dhaca duleedka degmada Balcad ee Wilaayada Shabeelada dhexe.
Dagaalkan ayaa yimid kadib markii ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay weerar toos ah ku qaadeen Isbaaro maleeshiyaatka dowlada Ridada ay dhigteen degaanka Ceel-geelow ee duleedka degmada Balcad.
Inta la xaqiijiyay dagaalkaasi waxaa lagu dilay Saddex askari oo ka tirsan maleeshiyaatka dowlada,waxeyna warar la helayo ay sheegayaan in khasaaraha uu intaasi ka badan yahay islamarkaana maleeshiyaatka dowlada Meydad iyo dhaawacyo askartooda ah ay la galeen degmada Balcad.
Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ayaa gacanta ku dhigay Qori AK47 ah iyo Booshkiisa kaasi oo ay ka carareen maleeshiyaatka dowlada Ridada.
Goobta isbaarada waxaa la wareegay oo gacanta ku haya ciidamada Shabaabul Mujaahidiin,Isbaaradaan ayaa aheed mid maleeshiyaatka Murtadiinta ay si aad ah ugu dhibaateeyaan dadka iyo gaadiidka safarka ah.
Khamiistii lasoo dhaafay ayay aheyd markii 11 askari oo ka tirsan maleeshiyaatka dowlada lagu dilay dagaal culus oo isla deegaanka Ceel-geelow ku dhex maray ciidamada Shabaabul Mujaahidiin iyo maleeshiyaatka maamulka gaala raaca Hirshabeelle.
Calamada.com