Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug ee Bartamaha dalka Somaliya waxey sheegayaan in gudaha magaaladaasi uu ka dhacay weerar qorsheysan oo lala beegsaday Gaashaanlle Sare oo ka tirsan maamulka gaala raaca Puntland.
Weerarkan waxaa lala beegsaday Gaashaanlle sare oo magaciisa lagu soo gaabiyay Jokeste kaasi oo maamulka Ashahaado la dirirka Puntland u qaabilsan dhanka Canshuuraha.
Wararkii ugu dambeeyay ee howlgalkaasi waxey sheegayaan in dhaawac culus uu soo gaaray Gaashaanllaha sare ee lagu weeraray magaalada Gaalkacyo gaar ahaan dhanka Waqooyi ee magaaladaasi.
Mas’uuliyadda weerarkan lagu dhaawacay sarkaalka sare ee ka tirsan maamulka Puntland waxaa sheegtay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.
Calamada.com