Wararka ka imaanaya degmada Dhuusamareeb ee gobalka Galgaduud ee bartamaha dalka Somalia waxey sheegayaan in gudaha degmadaasi uu ka dhacay dil loo geystay Ruux shacab ah.
Askari ka tirsan maleeshiyaatka Mushrikiinta ayaa si bareer ah gudaha degmadaasi ugu toogtay Ruux Darawal ka ahaa gaadiidka noocyada loo yaqaano Cara Gadiska,iyadoona dilkaasi ay si aad ah uga naxeen shacabka ku dhaqan degmadaasi.
Dilkan ayaa imaanaya xilli maamulka Mushrikiinta ee degmada Dhuusamareeb gabi ahaan bandow kusoo rogay degmada waxeyna hakad galiyeen isu socodkii dadka,gaadiidka,Waxbarashada,Caafimaadka iyo ganacsiga degmadaasi.
Shacabka ku dhaqan degmada Dhuusamareeb ayaa dareemayo dhibaato xoogan maadaama Bandow lagu soo rogay degmada,iyadoona maamulka Mushrikiinta uu cabsi xoogan ka qabo in weeraro lala beegsado xubnaha Murtadiinta iyo kuwa gaalada ah ee saacadihii lasoo dhaafay soo gaaray degmadaasi.
Calamada.com