Qarax culus ayaa ka dhacay agagaarka deegaanka Tareedisho ee duleedka magaalada Muqdisho kaasi oo laga helayo faahfaahin ku aadan khasaaraha ka dhashay.
Qaraxa ayaa haleelay gaari uu la socday Sarkaal ka tirsan dowlada Ridada kaasi oo lagu magacaabi jiray Cabdi Xasan Biyo Quute oo mar soo noqday gudoomiyaha dowlada ee degmada Ceelbuur mudooyinkii dambane ka mid ahaa saraakiisha dowlada Ridada ee gobalka Galgaduud.
Sarkaalkan waxaa lala dilay Shan askari oo ilaaladiisa gaarka ah,waxaa gabi ahaan burburay gaarigii uu lahaa sarkaalka ee qaraxa xoogan uu haleelay.
Labo Xidigle Biyo Quute ayaa ahaa sarkaalkii ciidamada Xabashida Itoobiya kusoo hogaamiyay duulaankii ay Saddex-sano ka hor kusoo qaaday magaalada Ceelbuur ee gobalka Galgaduud magaaladaasi oo ugu dambeyntii askarta Itoobiya isaga carareen Toban Bilood ka hor,waxaana imika si toos ah magaalada Ceelbuur u maamulo Shabaabul Mujaahidiin.
Qaraxa lagu dilay sarkaalkan Murtadka ah waxaa mas’uuliyaddiisa sheegtay Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab oo mudooyinkii dambe sii kordhisay weerarada ka dhanka ah Kufaarta iyo Murtadiinta.
Calamada.com