Magaalada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan waxaa lagu dilay qof shacab ah oo ka mid ahaa bulshada ku dhaqan magaalada Beledweyne.
Dilka qofkan shacabka oo aha wiil dhalinyaro oo arday ah waxaa geystay askari ka tirsan maleeshiyaatka dowlada Ridada ee ku sugan magaalada Beledweyne,iyadoona dilkan ay si aad ah uga naxeen shacabka ku dhaqan magaaladaasi.
Askariga Murtadka ah ayaa si bareer ah u toogtay wiilka Ardayga ee Muslimka ah,waxeyna Goob-joogayaal xaqiijiyeen in askariga uu Ardayga rasaas ooda uga qaaday kadib markii uu ka diiday inuu bixiyo lacag baad ah oo askariga uu doonayay.
Dilkan ayaa qeyb ka noqonayo dilal bareer oo si joogta ah maleeshiyaatka dowlada ay ugu geystaan dadka shacabka,waxa uu dilkan imaanayaa xilli saacadihii lasoo dhaafay maleeshiyaatka maamulka Farmaajo si xun ay gudaha Xabsiga dhexe ee Xamar ugu dileen wiil dhalinyaro ah oo ku xirnaay Xabsiga kaasi oo maleeshiyaatka dowlada ehelkiisa ay ka waayeen Lacago Madax furasho ah oo ay weydiisteen.
Calamada.com