Wararka ka imaanaya deegaannada dhaca xuduud beenaadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya ayaa sheegaya in weerar khasaara badan dhaliyay markale lagula beegsaday ciidamo ka tirsan Melleteriga dowlada Saliibiyadda Kenya.
Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ayaa weerar dhabba gal ah u dhigay kolanyo ka tirsan ciidamada Saliibiyadda Kenya oo ku socdaalayay inta u dhaxaysa deegaanada Haluuqa iyo Ijaara oo ka wada tirsan gobolka Gaarisa oo ah gobal ay dowlada Kenya xoog kaga heysato Somalia.
War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa lagu sheegay ‘ in Ciidamada Mujaahidiinta ay weerar jidgal ah u dhigeen kolonyo katirsan melleteriga Kenya oo ka yimid dhanka Jubbada Hoose kunasii jeeday gudaha Kenya, Mujaahidiintu waxay arkeen Meydadka sedax askari oo wadada yaal”.
Sidoo kale wararka la helayo waxey sheegayaan in marka laga reebo Baqtiyada Saddex-da askari Kenyaatiga ah ee lagu arkay goobtii kamiinka uu ka dhacay waxey sidoo kale ciidamada Saliibiyiinta Kenya la carareen oo goobta kala baxsadeen tiro askar ah oo sidoo kale dhimasho iyo dhaawac kaga noqatay weerarkaasi dhabba galka ah.
Wararka ayaa intaas ku daraya in sedax baabuur oo nuuca ciidanka xambaara ah ay goobta si diqri ah uga baxsadeen, dagaalyahannada Shabaabul Mujaahidiin ayaa la xaqiijiyay in ay dul istaageen Meydadka sedax askari oo ka dhacay gaadiidka weerarka lagu qaaday.
Weerarkan ayaa imaanaya xilli mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Kenya ay socdaal ku joogaan dhulka Soomaalida Waqooyi Bari loo yaqaan halkaas oo ay ku qabanayaan kulamo amniga looga hadlayo balse Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa si dardar leh kusii wadda howlgalladeeda melleteri ee ka dhanka ah dowladda Kenya.
Calamada.com
allahu akbar Bakhtigiina maalin walbo ayaad arkeysaan insha allah