Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxey weerar dhabba gal ah u dhigeen kolanyo ka tirsan maleeshiyaatka maamulka gaala raaca Shariif Sakiin kuwaasi oo ku socdaalayay wadada isku xirta degmooyinka Buurhakabo iyo Baydhabo oo ka wada tirsan gobalka Baay.
Taliyihii Ciidanka degmada Buurhakaba Col.Cabdi Raxmaan Cismaan Abroone iyo sedax askari oo ilaala u ahaa l ayaa laxaqiijiyay in lagu dilay weerar dhabbagal ah oo oo si gaar ah ka dhacay deegaanka Daynuunaay ee Gobolka Baay.
Dadka deegaanka waxey xaqiijiyeen in Meydadka Taliye Abroone iyo sedax askari looga tagay wadada laamiga ah halka gaadiid Tikniko ah ay si dirqi ah kula baxsadeen maleeshiyaatka maamulka gaala raaca Koonfur Galbeed.
Taliyaha degmada Buurhakaba ee maleeshiyaatka maamulka Murtad Shariif Sakiin ee lagu dilay weerarkaasi Kamiinka ah ayaa caan ku ahaa been abuur joogta ah iyo dhibaatooyin xiriir ah oo uu kula dhaqaaqi jiray shacabka Maatida ah ee ku dhaqan degmada Buurhakabo.
Calamada.com