Dowladda saliibiyada ah ee Mareykanka ayaa liiska waxa loogu yeero argigixisada ku dartay hogaamiyeya sare oo ka tirsan Mujaahidiinta Al-Qaacida ee Jaziiradda Carabta ka dib warbixino ay soo saareen wazaaradda arimaha dibadda iyo waaxda maaliyadda ee dowlada ee dowladda Mareykanka, Iyadoona warbixinada lagu sheegay in talaabadan ay qeyb ka tahay dadaalada lagu dabagalayo shaqsiyaatka uu Mareykanku u maleynayo in ay halis ku yihiin amnigiisa iyo danahiisa gaarka ah ee wadamada Muslimiinta.
Warbixin dhawaan ka soo baxday wazaaradda arimaha dibadda ee Mareykanka ayaa lagu sheegay in waxa loogu yeero liiska argigixisada lagu daray Sheykh Khaalid Baadarfi oo ka mid ah hogaamiyeyaasha Mujaahidiinta Al-Qaacida ee jaziiradda carabta.
Warbixinta ayaa hogaamiyahan ku tilmaantay abaanduule sare oo ka mid ah Mujaahidiinta Jaziirada carabta uuna sanadihii ugu dambeeyey ahaa mas’uul si aad ah kaga howlgalayey gobolada wadanka Yemem.
Sheykh Khaalid Baadarfi wuxuu ka mid yahay hogaamiyeyaasha rug-cadaaga ah ee tobanaanka sano soo taagnaa saaxaadka Jihaadka, wuxuuna ka mid yahay jiilkii ee ka soo qeyb-qaatay dagaaladii Afghanistan lagula galay Gumeystayaashii Ruushka iyo Mareykanka, Wuxuuna goormdambe u soo wareegay saaxada Jaziirada carabta.
Intii uu isaga kala gudbayey saaxaadka Jihaadka, wuxuu dhowrjeer ku dhacay gacanta cadowga, isagoo sanado badan oo cimrigiisa ka mid ah ku soo qaatay xabsiyada dhawaaqiida.
Dhowrjeer ayaa lagu xiray dalka Yemen, Waxaana midkii ugu dambeeyey uu ahaa sanadkii 2011-kii, Kolkaas oo ay qabteen ciidamada Ashahaada la dirirka ah ee Murtadiinta Yemen balse waxaa la soo furtay sanadkii 2015-kii markii Mujaahidiinta Ansaaru Shareeca ay Iqtixaameen magaalada Mukalla, kana qabsadeen ciidamadii Murtadiinta ahaa.
Warka hadda ka soo yeeray Mareykanka ee ah in ay Sheekha ku dareen liiska argigixisada wuxuu imaanayaa maalma un ka dib markii Sheykh Khaalid Baatarfi uu jeediyey kalimad uu si adag kaga hadlayo go’aankii dhawaan ka soo yeeray madaxweynaha Mareykanka, Gaalka Axmaqa ah ee Donald Trump ee uu Qudus ugu aqoonsaday Caasimadda Yahuudda.
Sheykh Khaalid Baadarfi wuxuu tilmaamay in go’aankaas aanan looga jawaabi karin wax aanan ka ahayn Jihaad iyo Umaddu u midowdo la dagaalanka Mareykanka iyo Yahuudda.
Calamada.com