Wararka ka imaanaya dalka Faransiiska waxey sheegayaan in qeybo ka mid ah dalkaasi ay ka dhaceen Shilal diyaaradeed kuwaasi oo ay ku baqtiyeen saraakiil iyo askar ka tirsan dowlada Saliibiyadda Faransiiska.
Shilalkan Diyaaradeed waxey si gaar ah uga dhaceen Tuulada Cyrus ee Konfurta Dalka Faransiiska,waxaa burburay Labo Diyaaradood oo ah noocyada Elecobtarka.
Labadan Diyaaradood oo qeyb ka ahaa diyaaradaha ciidanka Faransiiska ayaa xiligii ay burburayeen waxey ku guda jireen shaqo ciidan taasi oo aheed Labo askari oo ka tirsan ciidanka Faransiiska kuwaasi oo loo tababarayay Duulinta Diyaaradaha ciidanka.
Shilkan diyaaradeed waxaa ku dhintay Shan saraakiil oo Faransiis ah kuwaasi oo ay ku jiraan Labadii duuliye ee diyaaradahan Burburay walina dowlada Faransiisku si rasmi ah uma xaqiijin waxa sababay shilalka kala duwan ee Labadaasi diyaaradood.
Dowlada Saliibiyadda Faransiiska ayaa ka mid ah dowladaha duulaanka kusoo qaaday wadamada Islaamka waxeyna ciidamada Faransiiska duulaan ku jooga dalka Maali.
Calamada.com