Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari waxey sheegayaan in gudaha magaaladaasi uu ka dhacay qarax xoogan.
Qaraxa waxaa lala beegsaday maleeshiyaat ka tirsan kuwa maamulka Ashahaado la dirirka Puntland,iyadoona dhawaaqa qaraxa si aad ah looga maqlay inta badan xaafadaha magaalada Boosaaso.
Inta la xaqiijiyay qaraxan waxaa ku dhintay hal askari oo ka mid ahaa maleeshiyaatkii Puntland ee qaraxa lala beegsaday kuwaasi oo xilliga qaraxa ku dhex lugeynayay gudaha magaaladaasi.
Dhanka kale waxaa sii kordhaya khasaaraha maamulka dowlada Xabashida Itoobiya dhisatay ee Puntland kasoo gaartay dagaal culus oo xalay ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ay ku qaadeen saldhiga Bartamaha oo ku yaala meel u dhaw dekedda magaalada Boosaaso.
Wararkii ugu dambeeyay waxey xaqiijinaayan in dagaalkaasi lagu dhaawacay Saddex askari oo ka tirsan maleeshiyaatka Puntland kuwaasi uu ku jira taliye ku xigeenkii saldhigaasi kaasi oo la xaqiijiyay inuu ka go’ay Labada Lugood.
Calamada.com