Saacadihii lasoo dhaafay Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab waxey weerar loo adeegsaday Bambaanooyin ku qaadeen guri uu degmada Holwadaag ka deganaa nin lagu magacaabo Maxamed Cali Jacfar oo kamid ah saraakiisha Sirdoonka islamarkaana madax ka ah Maleeshiyaadka loo yaqaan ‘Xasilinta Caasimadda’.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ugu yaraan 2 qof ay ku dhinteen weerarka waxaana dadka dhintay kamid ah qaar kamid ah ciidamadii ilaalada ka hayay guriga la weeraray.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqleen jugta qaraxyo xooggan waxaana xigay rasaas ay fureen ciidamo katirsan Dowladda Federaalka, Afhayeen u hadlay wasarrada amniga gudaha dowladda Federaalka ayaa warbaahinta uxaqiijiyay in weerarka uu ka badbaaday Max’med Cali Jacfar.
Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyadda weerarka xalay ka dhacay degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho sida ay faafisay idaacadda islaamiga Andalus, sarkaalka la weeraray ayay si aad ah isugu dhowyihiin Xasan Cali Kheyre R/wasaaraha dowladda Federaalka wuxuuna horay usoo noqday guddoomiyaha degmada Howlwadaag.