Wararka laga helayo dalka Afghanistan waxey sheegayaan in qeybo ka mid ah dalkaasi lagu soo riday diyaarad dagaal taasi oo faahfaahin laga helayo soo riditaankeeda.
Ciidamada Difaaca Cirka ee Imaarada Islaamiga Afghanistan ayaa dhulka soo dhigay mid ka mid ah diyaadaha dagaalka gaar ahaan kuwa Elecobtarka ee maamulka daba dhilifka Kaabul.
Diyaaradan waxey ciidamada Mujaahidiinta kusoo rideen deegaanka Qashlaaq oo ah deegaan hoostaga degmada Darqad ee Wilaayada Takhar oo ah Wilaayo ama Gobal dhaca dhanka Waqooy Bari ee dalka Afghanistan.
Xilligii lasoo ridayay diyaaradan waxey duqeyman xoogan ka waday deegaano dhaca duleedka degmada Darqad waxeyna ugu dambeyntii ciidamada Mujaahidiinta Dhaalibaan ay la heleen Lidka Diyaaradah taasi oo gabi ahaan burburtay.
War rasmi ah oo kasoo baxay Imaarada Islaamiga ayaa lagu xaqiijiyay in sidoo kale ay dhinteen guud ahaan askartii iyo saraakiishii maamulka daba dhilifka Kaabul ee la socotay diyaaradaasi,waxeyna diyaaradan intii aaan lasoo riday duqeyn ku dishay tiro dad ah oo u badan Haween iyo Caruur oo ku dhaqan duleedka degmada Darqad Ee Waqooy Bari Afghanistan.
Calamada.com