Kumanaa katirsan shacabka muslimiita ee ku dhaqan Soomaalida Kenya gumeysato waxaa wali aa xusuustooda ka go’in xasuuqii ay kala kulmeen ciidanka melleteriga wadankaasi.
Muddo 34 sano ah ayaa kasoo wareegatay xasuuqii taariikhiga ahaa ee Wagaala oo lagu dilay 5000 (shan kun) oo qof oo Soomaali ah.
Xasuuqii Wagala wuxuu dhacay 10,Febaraayo sanaddii 1984 xilligaas oo ciidamada Kenya ay si aan arxan laheyn u xasuuqeen shacab sacbooleey aan hubeysnayn ah.
Dadkan oo ay ku jireen caruur iyo haween xaamilo ah ayey dowladda Kenya kasoo uruurisay degmada Wajeer kadibna waxay isugu geysay fagaare ku yaala tuulada Wagala halkaasoo ay ku gumaaday.
Halkan ka Daawo Warbixin iyo Wareysi laga qaaday dadkii ka Badbaaday Xasuuqii Gaarisa
Ama Hoos Youtube toos ugu daawo