Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin waxey weerar culus ku qaadeen Saldhig weyn oo ciidamada Kufaarta Afrikaanta ay ka sameysteen duleedka degmo Xeebeedka Baraawe ee gobalka Shabeelada hoose.
Dagaalkan waxey ciidamada Shabaabul Mujaahidiin si gaar ah ugu qaadeen saldhiga ciidamada Shisheeye ay ka sameysteen deegaanka Ambareeso oo ka mid ah deegaanada dhaca duleedka degmada Baraawe.
Deegaanka waxaa ka dhacay dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan,iyadoona dhawaaqa rasaasta dagaalka si aad ah looga maqlayay qeybo badan oo ka mid ah gobalka Shabeelada hoose.
Si rasmi ah looma xaqiijin khasaaraha ciidamada gaalada AMISOM kasoo gaartay dagaalkan xalay ka dhacay deegaanka Ambareeso,waxa uu dagaalkan kusoo aadayaa xilli sidoo kale habeen hore ciidamada Shabaabul Mujaahidiin weeraro saf ballaaran ah ay ku qaadeen difaacyada shisheeyaha ee degmada Qoryooley iyo deegaanka Buufow ee isla gobalka Shabeelada hoose.
Calamada.com