Daraasad ay sameysay xarunta la dagaalanka waxa ay gaaladu ugu yeeraan argagaxisada ee taabacsan Kuliyada military-ga ee Mareykanka ayaa lagu soo gudbiyey qiimeyn ku aadan camaliyaatka Istish-haadiga ah ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab laga soo bilaabo 2006-dii ilaa 2017-ka.
Daraasadu ayaa sheegtay in weerarada Istish-haadiga ee Al-Shabaab ay beegsadaan bartilmaameedyo sarsare oo isugu jira dowladda Soomaaliya iyo xubnaha gaalada caalamka sida QM, midowga Africa iyo hay’adaha reergalbeedka.
Daraasadan oo ka kooban 45 bog ayaa lagu sheegay in si ka duwan ururada kale qaarkood ay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ka fogaato bartilmaameedsiga dadka rayidka ah ayna diiradda saarto xarumaha muhiimka ah ee dowlada ridada iyo kuwa saliibiyiinta.
Waxay sheegtay Daraasadu in Al shabaab ay weerarada ugu xooggan ku beegsatay mas’uuliyiin sarsare oo katirsan dowladda Federaalka, xarumaha Q.Midoobay iyo saldhigyada ciidamada midowga Afrika ee duullaanka ku jooga dalka Soomaaliya.
Waxa kale oo ay warbixintu xaqiijiysay in weeraradu ay yihiin kuwo bartil maameedkoodu sarreeyo oo lagu waxyeeleyay dowlada Ridada iyo gaalada soo duushay.
Daraasaddan ayaa ugu dambeyntii soo jeedineysa talooyin ku socda gaalada caalamka oo ku aadan sida looga hortagi karo weerarada Istish-haadiga ee mujaahidiinta ee beegsanaya bartilmaameedyada sarsare iyo sida loo wajihi karo mustaqbalka soo socda.
Calamada.com