Wararka ka imaanaya dalka Afghanistan waxey sheegayaan in qeybo ka mid ah dalkaasi uu ka dhacay weerar culus oo khasaara lagu gaarsiiyay maleeshiyaatka maamulka daba dhilifka Kaabul.
Weerarkan waxa uu sigaar ah kaga dhacay deegaanka Caziiz Abaad oo ka tirsan Gobalka Hirat oo ah gobal dhaca dhanka Galbeed ee dalka Afghanistan.
Ciidamada Mujaahidiinta Imaarada Islaamiga Afghanistan ayaa weerar culus ku qaaday kolanyo ka tirsan maleeshiyaatka maamulka daba dhilifka Kaabul oo ku socdaalayay agagarka deegaankaasi.
Inta la xaqiijiyay weerarkaasi culus waxaa lagu gubay Afar gaari oo isugu jirta Booyado iyo noocyada Gaashaaman oo ay wateen kolanyada lagu weeraray deegaanka Caziiz Abaad ee Wilaayada Hirat.
Sidoo kale weerarkan waxaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday Tobaneeyo ka tirsan maleeshiyaatka maamulka Ridada Ashraf Gani,waxa uu weerarkan qeyb ka yahay howlgalka Al-mansuuriyah ee sida tooska ciidamada Mujaahdiinta Imaarada Islaamiga Afghanistan kaga wadaan guud ahaan gobalada dalkaasi.
Calamada.com