Diyaarad hilicopter ah oo waday saraakiil sarsare oo ka tirsan dowladda Mexico ayaa burburtay xilli ay qiimeyn ku sameyneysay waxyeelada uu geystay dhul gariir dhawaan ku dhuftay qeybo ka mid ah wadanka, waxaana lagu soo waramayaa in ugu yaraan 13 ruux ay ku dhinteen burburka diyaaradaasi.
Mas’uuliyiin u hadashay dowladda Maksiko ayaa sheegay in burburka diyaaradda uu yimid ka dib markii uu Pilot-ka lumiyey maamulka diyaaradda, islamarkaana taasi ay keentay in diyaaradu ay ku soo dhacdo koonfurta gobolka Oksaasa ee wadanka Maksiko.
Saraakiisha la socotay diyaaradan ayaa la sheegay in booqasho ku marayeen deegaano ka tirsan gobolka oo uu dhawaan ku dhuftay dhul gariir cabirkiisu ahaa 7.2 si ay u qiimeeyaan burburka iyo waxyeelada uu geystay dhul gariirka.
Madaxweynaha dalka oo ka hadlay shilkan ayaa tilmaamay in dadka dhintay ay ku jiraan dumar iyo caruur ku sugnaa dhulka oo ay diyaaradu ku dul habsatay.
Dhanka kale diyaarad rakaab oo waday ugu yaraan 66 ruux ayaa ku burburtay bartamaha dalka Iran xilli ay isaga kala gudbeysay magaalooyinka Tehraan iyo Yasuj sida ay sheegayaan warbaahinta dalka Iran.
Afhayeen u hadlay shirkadda duulimaadyada ee Asaman oo leh diyaaradda burburtay ayaa sheegay in dhamaan dadkii saarnaa diyaaradda ay goobta ku dhinteen.
Diyaaradda ayaa ku soo dhacday meel buuraley ah oo u dhow gobolka Semirom sida ay sheegtay wakaalada wararka ISNA ee taabacsan dowlada Iran.
Calamada.com