Maxkamada Wilaayada Islaamiga Jubbooyinka ayaa fulisay Xad ka mid ah Xuduuda Allaah kaasi oo ka dhacay fagaara weyn oo ku yaala magaalada Jilib ee Wilaayadaasi.
Xadkan oo ahaa Xaddu Zinah waxaa lagu fuliyay Nin kufsi xoog ah u geystay Haweeney,iyadoona ninkan lagu dhuftay Boqol Garbaash maadaama uusan soo marin wax guur ah,sidoo kale waxaa laga qaaday Meherka haweeneyda uu kufsaday
Fagaaraha Xadka uu ka dhacay waxaa soo xaadiray Bulshada ku dhaqan xaafadaha kala duwan ee magaalada Jilib,Qaadiga Maxkamada ayaa goobta fagaaraha ka aqriyay xukunka.
Halkan Ka Dhageyso Qaadiga Oo Xukunka Aqrinayo.
Calamada.com