Iska hor’imaad xoogan waxa uu qeybo ka mid ah magaalada Xamar ku dhexmaray maleeshiyaatka nabadsugidda dowlada Ridada iyo ciidamada Kufaarta Afrikaanta.iyadoona faahfaahin laga helayo iska hor’imaadka.
Maleeshiyaatka dowlada iyo kuwa shisheeyaha ayaa ku dagaalamay wadada isku xirta isgoyska Km4 iyo garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho,waxa ay dirirtu timid kadib markii ciidamada Kufaarta AMISOM oo doonayay iney gudaha u galaan garoonka diyaaradaha Muqdisho ay ka dhaga adeegeen amar kasoo baxay maleeshiyaatka nabadsugidda kaasi oo ahaa iney dib u laabtaan maadaama ay wadadu xirantahay.
Kolanyada shisheeyaha ayaa ka dhaga adeegay amarka,iyadoona muran dheer kadib halkaasi uu ka dhacay iska hor’imaad xoogan oo dhexmaray maleeshiyaatka dowlada iyo kuwa shisheeyaha.
Inta la xaqiijiyay iska hor’imaadkan waxaa lagu dilay Saddex askari oo ka tirsan maleeshiyaatka nabadsugidda tiro kalane weey ka dhaawacmeen maleeshiyaatka dowlada,dhanka ciidamada Kufaarta Afrikaanta iyaguna waxaa waxyeelo laga gaarsiiyay gaari ciidan.
Ugu dambeyntii kolanyada ciidamada Kufaarta Afrikaanta ayaa u abood sheegtay maleeshiyaatka maamulka Farmaajo waxeyna sii wateen socodkooda ilaa ay garaan halkii ay u socdeen oo aheed galitaanka gudaha garoonka diyaaradaha Muqdisho.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Mogadishu, Somalia.
Alle ha isku diro dhamaantooda xaaraanta