Habeenkii xalay maleeshiyaatka maamulka Ridada Farmaajo waxey Raaf xoogan ka sameeyeen xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho.
Waxey maleeshiyaatka Murtadiinta raafkaan si gaar ah uga sameeyeen xaafadaha degmooyinka Yaaqshiid iyo Dharkenley ee magaalada Muqdisho,waxeyna xaafadaha Labadan degmo ka raafeen boqolaal ruux oo shacab ah kuwaasi oo isugu jira Waalidiin,arday iyo dad kale oo Masaakiin ah.
Maleeshiyaatka dowlada ayaa sidoo kale Jirdil xoogan u geystay Hooyooyin iyo Waalidiin kale oo Waayeelo ah kuwaasi oo isku dayay iney maleeshiyaatka ka reebtaan caruurta ay ka raafeen,iyadoona maleeshiyaatka dowlada ay sidoo kale dhac baahan u geysteen shacabka ku dhaqan degmooyinka ay Raafkan ka sameeyeen.
Shacabka magaalada Muqdisho ayaa si joogta ah Kufaarta iyo Murtadiinta kala kulmo dhibaatooyin xiriir ah oo isugu jira dil,dhac,Kufsi iyo xarig joogta ah.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Mogadishu, Somalia.