Uma baahna in sheeko dheer laga bixiyo weeraradii waaweynaa ee gabbal dhicii Jimcahii lasoo dhaafay 23,Febaraayo 2018 ay Xarakada Al-Shabaab ku qaadday xarunta Madaxtooyada iyo tan Nabad sugidda. Balse waxaan jeclahay inaan milicsado saameynta ay reebeen iyo macnaha ay sameeyeen dhacdooyinkaas.
DACAAYAD AFKA AH OO FICIL LOOGA JAWAABAY.
Qarax weyn oo ay Al-Shabaab la beegsato mid kamid ah xarumaha dowladda waxaa u dambeeyay kii bishii Decembar 14, 2017 kaas oo lagu qaaday xarunta ciidanka Booliska, halkaasoo lagu dilay in ka badan 26 askari oo ka qeyb qaadanaysay u diyaar garowga xuska maalinta Booliska.
Dhacdadan iyada ah oo haba yaraatee aanu qof shacab ah wax ku noqon ayay madaxda dowladda isku dayayeen in ay qariyaan iyaga oo saxaafadda u sheegayay in weerar xarumahooda lagu qaado uu u dambeeyay kii hotel Naasa hablood 2 oo dhacay Bishii October 2017, wixii ka dambeeyayna ay ammaanka adkeeyeen!
Nin saxafi ah oo ka hawlgala mid kamid ah Telefeshinnada qandaraaska lagu siiyay iney qabtaan barnaamijyada amniga looga hadlayo islamarkaana dicaayadda loogu sameynayo DF, ayaa ii sheegay in afhayeenka wasaaradda amniga uu soo booqday xaruntooda oo uu u sheegay in barnaamijyada ay qabanayaan ay wax ka badaleen ammaanka magaalada Muqdisho.
Haddaba dicaayaddaasi laablakaca ku dhisan ee aaney dowladdu ka fakarin waxa ka imaan kara, ayay dabcan sidey ila tahay waxay Al-Shabaab uga jawaabeen ficil oo waliba uu dhiig badani ku daatay, laguna weeraray xarumaha ugu muhiimsan dowladda.
WASIIRKA AMNIGA OO HOREY U OGAA IN LAGU SOO MAQAN YAHAY.
Ka hor inta aysan weeraradu dhicin, wasiirka Amniga, Mr. Islow, ayaa shirka golaha wasiirada ka sheegay inuu magaalada Muqdisho ku jiro gaari qarax sida ayna ku daba joogaan, waxaana galabkii jimcaha dhacay wax hal gaari ka weyn oo lagu hoobtay.
Tani waxay si cad bannaanka usoo dhigtay heerka ay gaarsiisan tahay itaal darrida wasaaradda Amniga iyo Nabad sugidda, marba haddii iyagoo og in lagu soo wajahan yahay sida ay sheegteen ay wax ka qaban kari waayeen.
Dadaalka ay sameeyeen wasiirka Aminiga iyo saaxiibadii ayaa ahaa in wixii khamiistii ka dambeeyay ay dhuunteen islamarkaana joojiyeen dhaqdhaqaaqa, halkii ay ahayd iney naftooda huraan oo ku ag dhintaan ciidamada iyo saraakiisha lagu xasuuqay madaxtooyada iyo Nabad sugidda.
XARUMAHA LA WEERARAY IYO XILLIGA.
Xarumaha la weeraray oo kala ah Madaxtooyada iyo Nabad Sugidda waa labada meel ee ugu muhiimsan dowladda, Meel waa halkii uu madaxweynuhu degganaa, meelna waa halkii amniga oo dhan laga ilaalinayay, taasoo ka dhigan inaaney talo faraha ugu jirin DF.
In ka badan 50 qof ayaa ku dhimatay labada weerar iyadoo ay ku dhaawacmeen tiro intaa ka badan. Weerarkan ayaa kusoo aaday xilli uu madaxweynuhu sannadkii koowaad u dhamaaday, sannad cusubna uu u billowday.
DADKA UU SIDA GAARKA AH KHASAARAHA U GAARAY.
Khasaaraha wuxuu si gaar ah u taabtay ciidamada Koofiyo gaduudka ee madaxtooyada ilaaliya iyo kuwa Nabad sugidda noocyadooda kala duwan sida laga dheehan karayo shaxda magacyada lasoo bandhigay.
Arrintan ayaa waxay nasiib darro ku tahay dhallinyaradaas iyo kuwa kale ee wali nool misana diyaarka u ah in la dilo iyagoo ilaalinaya nin guri dabaq ah ku jira, xaaskiisa la joogana mukeyf u shidan yahay, markuu baxayana gaari qafilan ku ag maraya!
TACSI LA’AANTA MADAXWEYNAHA.
Nov 6, 2017, Wuxuu madaxweyne Farmaajo dowladda Mareykanka uga tacsiyeeyay dad Kisristan ah oo lagu dilay weerar ka dhacay gobolka Texas, halka uusan illaa iyo hadda u tacsiyeyn Saraakiishiisii, ciidamadiisii gaarka iyo kuwii Nabad sugidda.
Tani waxay caddyeneysaa in madaxweynuhu ciidamadiisa ka jecel yahay muwaadiniinta Mareykanka maadaama uu heysto dhalashada wadankaas. Waxaa kale oo ay cadeeneysaa in carruurtiisu u joogaan dalkaas kuwanna ay yihiin (Ma liibaanayaasha lagu liibaano).
Sidoo kale wasiirka amniga iyo afhayeenkiisa C/casiis Xildhibaan ayaa madaxweynaha kala mid ah dhaqankaas kuwaasoo ay carruurtoodu u joogaan Yurubta, waana midda keeneysa iney mararka qaar xitaa qariyaan dhimashada askartooda.
Dhinaca kale aamusnaanta madaxweynaha ayaa waxaa lagu macneyn karayaa “afkii baa juqda gabay” illeen waxaa loogu yimid gurigii uu ku hoyanayay e’. Marka haddii uu hadlo muxuu sheegayaa? Ma wuxuu leeyahay Afgooye ayaan degayaa? Mise wuxuu leeyahay dagaal ayaan qaadayaa? Mise wuxuu ku booteynayaa Itoobiya iyo Uganda ayaan u dhoofayaa?.
KALA SHAKI IYO XAALAD CAKIRAN.
Wixii ka dambeeyay markii la weeraray xarunta Madaxtooyada iyo tan Nabad sugidda, waxaa dhacay kala shaki soo dhex galay saraakiisha dowladda, maadaama ciidamadii Al-Shabaab ee weerarada fuliyay ay ku labisnaayeen dharka ciidamada dowladda sida ay xaqiijiyeen xildhibaanada qaar.
Madaxtooyada iyo hareeraheeda waxaa lasoo tubay ciidamo hor leh oo wata gaadiidka dagaalka kuwaas oo aad moodo iney joogaan mid kamid ah furimaha ugu halista badan ee lagu dagaalamayo.
Inta badan wadooyinka waa lasii xannibay iyadoo wadada kaliya ee “DF” iyo ciidamada AMISOM usoo hartay ay tahay Maka-Al-mukarrama, taas oo ciriiriga dartii keentay in habeen hore ay shisheeyuhu KM4 ku toogtaan rag Nabad sugidda ka tirsan oo wadada gooyay.
WADOOYINKA LA XIRAY MA SHACABKA AYAA LOOGU DAN LEEYAHAY MISE?.
Mar haddii Al-Shabaab weerartay Madaxtooyada iyo Nabad sugidda, maxay dowladda u qabteen dhagxaanta waddooyinka lagu gooyay? Ma shacabka ayaa lagu dhibaateeyay dhagxaantaas, mise Al-Shabaab ayaa looga hor tagay? Su’aalahan jawaabahooda waa kuwa u yaalla bulshada.
SIYAASIYIINTA MUCAARADKA.
Siyaasiyiinta mucaaradka dowladda waxay qabaan in Farmaajo iyo Kheyre ay si kama dambeys ah u fashilmeen, dowladdana ku wadaan dhabbe aanu ceel tagin oo lagu halaagsamayo.
C/raxmaan C/shakuur, qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook, ayaa wuxuu dowladda kaga dalbaday iney sharaxaad ka bixiso weeraradii lagu qaaday Madaxtooyada iyo Nabad sugidda.
“1- Sharaxaad sidii ay wax u dhaceen iyo baaxada khasaaraha.
2- Sida ay ku dhacday in marqur ah Xaruntii Nabadsugida iyo Madaxtooyada la weeraro, iyadoo maalin ka hor Golaha Wasiirada digniin weerar laga soo saaray.
3- Sababta keentay in AMISOM xabado ku furto ciidan Soomaaliyeed, dishana qaarkood.
4- Tallaabooyinka ay dawladu qaaday si ay shacabka hubanti u siiso in amnigu gacanta ku jiro, welwel kana looga saaro” sidaasi waxaa yiri, C/raxmaan C/shakuur.
Ugu dambeyntii waxaa la is weydiin karayaa, waxa u sababta ah fashilka joogtada ah ee dowladda ka heysta ammaanka. Haddaba waxay ila tahay ciddii jawaabta u baahan iney heli karto marka ay is weydiiso, dowladda yey ku tiirsan tahay? Dowladdu maxay ku dhaqantaa? Dowladdu yey raali galisaa? Dowladdu cadaalad maka shaqeysaa? Iyo Imisa kun ayaa xabsiyada gar darro ugu xiran?.
W/Q Warfaa Kheyrdoon Qoraa Madax banaan