Wilaayada islaamiga ah ee Gedo ayaa soo bandhigtay lix askari oo kasoo goostay degmada Garbahaarey ee gobolka gado, halkaasi oo ay joogaan Ciidamo Axmaaro ah iyo kuwo dabadhilif Soomaali ah.
Lixdan askari shan ka mid ah maanta ayaa lagu soo bandhigey magaalada Ceelcadde ee wilaayada Gedo halka midka lixaadna shalay lagu soo bandhigay isla magaaladaasi, halka ay jiraan kuwo kale oo la sheegay in ay dhexda kusoo jiraan.
Qulqulka maleeshiyaadka kasoo goosanaya safka Axmaarada iyo Murtadiinta ayaa bilihii u dambeeyay waxa lagu arkayay inta badan wilaayaadka islaamiga ah oo lagu soo bandhigayay, taasi oo si cad kuu tusinaysa in hadda ay garowsadeen xaqiiqada dagaalka ka socda Soomaaliya oo ah mid u dhexeeya gaalo soo duushay iyo Mujaahidiin difaacaya Diinta iyo dadka muslimiinta ah ee lagu soo duulay.