Wararka ka imaanaya degmada Jowhar ee gobalka Shabeelada dhexe waxey sheegayaan in deegaan dhaca duleedka degmadaasi uu ka dhacay iska hor’imaad xoogan oo dhexmaray maleeshiyaat ka wada tirsan dowlada Ridada.
Iska hor’imaadkan waxa uu sigaar ah kaga dhacay deegaanka Xaanshooley oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaalada Jowhar,iska hor’imaadkan waxa uu dhexmaray maleeshiyaatka Nabad sugidda iyo kuwa Milatariga ee dowlada Ridada.
Inta la xaqiijiyay iska hor’imaadkaasi waxey maleeshiyaatka dowlada Isaga dileen Lix askari oo isugu jirta Labo Nabadsugid ah iyo Afar Milatari ah tiro intaa ka badanne weey iska dhaawaceen.
Iska hor’imaadka ayaa yimid kadib markii saraakiisha Milatariga ay diideen amar uga yimid dhanka saraakiisha Nabadsugidda waxeyna taasi sababtay in maleeshiyaatka Ridada dhexdooda ku dagaalamaan deegaankaasi.
Calamada.com