Tobaneeyo qof oo shacab ah ayaa ku dhintay weeraro hor leh oo ciidamada Melleteriga Itoobiya ay ka geysteen gobolka Oromia ee kaabiga ku haya magaalada Addis Ababa.
Wararka ka imaanaya Itoobiya ayaa xaqiijinaya in ciidamada melleteriga iyo kuwa Booliska ay geysteen xasuuq hor leh oo ka dhan ah qowmiyadda muslimiinta Oromada.
Saraakiisha mucaaradka ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ay rasaas la dhaceen isku imaatinno ay shirar ku lahaayeen dadka dhigaya kacdoonnada shacbiga ah.
Sawirro lagu faafiyay baraha Internet-ka ayaa muujinayay Meydad isugu jiray carruur iyo dhalinyaro oo daadsan waddooyinka, mid kamida hoggaamiyaasha kacdoonka ayaa warbaahinta u sheegay in xasuuq daran uu ka socdo gobolka Oromia.
Melleteriga Itoobiya ayaa la sheegay in howlgallo bahalnimo ay ka wadaan labada gobol ee Amhara iyo Oromia halkaas oo sanadii 2015 ay ka bilaawdeen kacdoonno ka dhan ah taliska Tigreega.
Wadanka Itoobiya ayaa bishii lasoo dhaafay markale lageliyay 6 bilood oo xaalad degdeg ah kadib markii uu casilay R/wasaarihii wadankaasi Haille Maryam.