Saacadihii lasoo dhaafay waxa uu shil gaari oo sababay khasaara nafeet iyo mid hantiyadeed oo aad u xoogan uu ka dhacay qeybo ka mid ah dalka Itoobiya.
Shilkan gaari waxa uu sigaar ah kaga dhacay Magaalada Akesta ee dalka Itoobiya,shilkan waxa uu yimid kadib markii uu wadada ka baxay gaari Bas ah oo Arday ay la socotay.
Inta la xaqiijiyay shilkan gaari waxaa ku dhintay (48) Afartan iyo Sideed ruux oo u badan Ardaydii gaariga la socotay,dadka dhintay waxaa ku jira Kow iyo Toban Haween.
Sidoo kale Shilkan gaari waxaa ku dhaawacmay tiro kale oo aad u fara badan kuwaasi oo badankooda dhaawacyadooda culusyihiin,iyadoona uu aad u burburay gaariga shilka galay.
Shilkan gaari ee sababay khasaaraha aadka u baaxada weyn waxa uu kusoo aadayaa xilli ay sii burbureysa dowlada Xabashida Itoobiya waxaa wali gudaha dalkaasi ka socday Kacdoonka ka dhanka ah maamulka Tigreega ee xooga ku heysta talada dalkaasi.
Calamada.com