Rag hubeysan waxey xaafada Siliga American-ka degmada Wdajir ee magaaladan Muqdisho ku dileen askari ka tirsan maleeshiyaatka dowlada Ridada.
Ragga hubeysan ayaa askarigan ka toogtay qeybaha sare ee jirka taasi oo sababtay in askariga Murtadka ah isla goobta ku dhinta,waxey Goob joogayaal xaqiijiyeen in askarigan uu ahaa mid si aad ah u dhibay shacabka ku dhaqan degmada Wadajir.
Meydka askariga ayaa muddo yaalay goobta lagu dilay walow markii dambe meydkiisa ay goobta ka qaadeen maleeshiyaatka dowlada Ridada kuwaasi oo dilka kadib goobta soo gaaray.
Ragga dilka geystay ayaa sidoo kale horay usii qaatay qori uu ku hubeysnaay askarigan ay ku dileen Xaafadda Siliga American-ka ee degmada Wadajir.
Dilka askarigan waxa uu imaanaya xilli habeenkii xalay ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ay cagta mariyeen isbaaro maleeshiyaatka dowlada u taalay deegaanka Calamada taasi oo aheed isbaaro maleeshiyatka dowlada ay si aad ah ugu dhibaateeyaan dadka iyo gaadidika ku safraya wadada isku xirta magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Mogadishu, Somalia.