Dowladda Ruwanda ayaa Masaajida ku yaalla magaalada Kigaali ee caasimadda dalkaas ka mamnuucday in Macrephoono iyo cod baahiye loo isticmaalo aadaanka Salaadaha, iyagoona sheegay in aadaan uu dhibaato ku hayo dadka ku nool degmada Nyarugenge oo ay ku yaalla masaajida ugu waaweyn ee caasimada.
Ururada iyo qowmiyadaha Muslimiinta ah ee Ruwanda oo talaabadan si kulul u cambaareeyey ayaa sheegay in dowladu ay ku degdegtay talaabadan, waxayna dalbadeen in loo ogolaado isticmaalka Cod baahiye marka dadka loogu yeerayo Salaadda, iyagoona tilmaamay in xitaa ay hoos u dhigi doonaan dhawaaqa sameecadaha ay adeegsadaan.
Magaalada Ruwanda waa magaallo ay ku badan yihiin dadka Nasaarada, Waxaana dadka Muslimiinta lagu tilmaamaa in aysan ka badneen ku dhawaad 10%.
Dowladu waxay ku baaqday in qowmiyadaha Muslimiinta ay u hogaansamaan talaabadan lagu mamnuucay aadaanka.
Dowladu ilaa hadda waxay xirtay hal masjid oo ka dhiidhiyey go’aanka ka soo baxay dowlada. Qaar ka mid ah culimada Muslimiinta ee Ruwanda oo ka hadlay arintan ayaa tilmaamay in dowladu ay isku dayeyso in ay maamusho xuriyadooda, sidoo kalena xakameyso risaaladooda.