Sheekh Guuleed Abuu Nabhaan waaliga wilaayada islaamiga ee Hiiraan oo waraysi gaar ah siiyay Idaacadda ku hadasha Afka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee Andalus ayaa faafahin ka bixiyay dagaalkii maalintii shalay ka dhacay duleedka degmada Maxaas ee gobolkaas.
Sheekha ayaa sheegay in dagaalkaas ay la galeen ciidamo Xabashi Itoobiyaan ah iyo ciidamo katirsan dowladda federaalka, waxaana uu meesha ka saaray warar ay warbaahinta qaar qoreen oo ahaa in dagaalka uu dhexmaray Mujaahidiinta iyo dad reer miyi ah.
Khasaaraha kama dambeyska ah ee ay gaarsiiyeen ciidamada dowladda iyo kuwa Xabashida ah ee ay la dagaalameen ayuu Sheekhu ku sheegay iney gaarayaan dhimashada 21 askari iyo dhaawac intaas kabadan.
Ugu dambeyn wuxuu waaliga wilaayada islaamiga ee Hiiraan uu baaq u diray shacabka ku dhaqan gobolka Hiiraan, isagoona ugu baaqay iney ka qeyb qaataan dagaalka lagula jiro Shisheeyaha duulaanka ku jooga gobolka.
Halkan Hoose Ka Dhageyso Wareysiga Waaliga Hiiraan.
Calamada.com