Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxey dagaal culus ku qaadeen degmada Buurdhuubo oo ka mid ah goobaha ciidamada Kufaarta Xabashida Itoobiya iyo kuwa Murtadiinta ay kaga suganyihiin Gobalka Gedo.
Dagaalkan ka dhacay degmada Buurdhuubo waxaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan,iyadoona dhawaaqa rasaasta dagaalka si aad ah looga maqlayay deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobalka Gedo.
Ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa waxay cagta mariyeen saldhiggaas iyo xarumo kale, iyadoo Xabashida iyo malleyshiyadii la socotay ay ka badin waayeen in ay hal difaac isugu ururaan.
Intaa waxaa dheer in Ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay hawl gallo ka sameeyeen qaar kamid ah xaafadaha degmada iyagoo galay xarumo maamulka Itoobiyaanka taabacsan uu ku shaqeynayay iyo guryo ay degganaayeen Saraakiisha Murtadiinta ee degmadaasi.
Halkan Ka Dhageyso Xog Dheeraad ah Oo Ku Aadan Dagaalka Buurdhuubo.
Calamada.com