Wararka ka imaanaya Wilaayada Hiiraan oo dhacda Bartamaha dalka Somalia waxey sheegayaan in qeybo ka mid gobalkaasi ay ka dhaceen Labo weerar oo lala beegsaday ciidamada Murtadiinta Jabuuti iyo kuwa Xabashida Itoobiya.
Weeraradan oo ahaa Kamiino waxey ka wada dhaceen duleedka magaalada Beledweyne,iyadoona warar hordhac ah laga helayo weeraradaasi.
Kolanyada Xabashida Itoobiya iyo kuwa Murtadiinta Jabuuti ee weeraradan lala beegsaday ayaa ka wada baxay magaalada Beledweyne waxeyna kala aadeen Labo wado oo kala duwan waxeyna kolanyo walbo la kulantay weerar culus.
Weeraradan ka wada dhacay duleedka Beledweyne ayaa kusoo aadaya xilli saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Shabaabul Mujaahdiiin weerar culus ay ku qaadeen saldhiga ciidamada Kufaarta Xabashida Itoobiya ay ka sameysteen garoonka diyaaradaha magaalada Baardheere ee gobalka Gedo.
Calamada.com