Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha maleeshiyaatka dowlada Ridada kasoo gaaartay weeraro qaraxyo ah oo lala beegsaday dhismaha xarunta degmada Yaaqshiid iyo fariisin maleeshiyaatka Murtadiinta ay ka sameysteen qeybo ka mid ah degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.
Ugu yaraan hal askari ayaa la xaqiijiyay in uu ku dhintay weerarka halka afar kale ay ku dhaawacmeen sida ay sheegayaan dadka deegaanka.
Markii weerarku dhacay kadib ay ciidamo katirsan kuwa ilaalada ka haya xarunta degmada Yaaqshiid waxay fureen rasaas xooggan, saaka aroortii ayaa la arkayay ciidamada oo baaritaanno ka wada guryaha ku dhow xarunta degmada.
Dhinaca kale weerar hubeysan ayaa lala beegsaday ciidamo katirsan dowladda Federaalka xilli ay ku sugnaayeen degmada Hodon ee bartamaha magaalada Muqdisho.
Qaraxyadan ayaa kusoo aadaya xilli dhawaan qarax culus oo ka dhacay agagaarka hoteel Wehliye ee magaalada Muqdisho lagu dilay inka badan 15 isugu jirta saraakiil iyo maleeshiyaat ka tirsan Nabadusgidda dowlada Ridada.
Calamada.com