Qarax ayaa ka dhacay qeybo ka mid ah xaafada Oodweyne ee degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho,iyadoona faahfaahin laga helayo khasaaraha ka dhashay.
Qaraxan oo dhawaaqiisa si aad ah looga maqlay inta badan xaafadaha degmada Dayniile iyo degmooyinka jaarka la ah waxaa lala beegsaday Gaari nooca raaxada ah oo ay la socdeen saraakiil iyo maleeshiyaat ka tirsan qeybta Ashahaado la dirirka dowlada Riddada.
Inta la xaqiijiyay qaraxan waxaa lagu dilay taliyihii maleeshiyaatka Ashahaado la dirirka deegaanka Tiida ee degmada Dayniile iyo Afar askari oo la socotay kuwaasi oo Labo ka mid ah ay daqiiqado kadib u baqtiyeen dhaawacyo culus oo qaraxaasi kasoo gaaray.
Taliyaha lagu dilay qaraxan ayaa lagu magacaabi jiray Cabdi Fitaax Barre Mucalim kaasi oo ahaa sarkaal si aad ah u dhibay shacabka ku dhaqan xaafada Tiida iyo guud ahaan degmada Dayniile,isugu geynta Tirada Murtadiinta ee qaraxan lagu dilay waa Shan Murtadiin oo isugu jirta Taliyaha iyo Afar askari oo la socotay.
Qaraxan ka dhacay xaafada Oodweyne ee degmada Dayniile ayaa kusoo aadaya xilli galinkii dambe ee shalay qarax ka dhacay Bar Controol oo Murtadiinta ay dhigteen agagaarka Isgoyska Sayidka taasi oo ah Goob laga ilaaliyo xarumaha madaxtooyada iyo midda Baarlamaanka Murtadiinta lagu dilay 13 ka mid ah Saraakiisha iyo Maleeshiyada Kooxda ridada Soomaaliya,Inta ugu badan xubnahaas dhintay ayaa ah ilaalada Gaarka ah ee Madaxtooyada.
Afar Maalin ka hor ayeey aheed markii weerar ka dhacay goob bar kulan u ah Murtadiinta oo ku taalla ka soo horjeedka hoteelka Wehliye ee magaalada Muqdisho lagu dilay inka badan 20 isugu jirta saraakiil iyo askar ka tirsan Murtadiinta.
Mujaahidiinta Xarakada Alshabaab ayaa mudooyinkii dambe sii kordhiyay weerarada ka dhanka ah Kufaarta Iyo Murtadiinta ee ay ka fulinayaan gudaha magaalada Muqdisho.
Calamada.com