Bin Yamin Natanyahu oo ah gaalka ra’iisul wasaaraha ka ah maamulka Sahyuuniyadda Yahuudda ee xooga ku heysta dhulka Muslimiinta Filastiin ayaa si lama filaan ah waxaa loola cararay isbitaal, kadib markii xaalad caafimaad darro ay soo wajahday.
Natanyahu ayaa saqdii dhexe ee xalay waxaa loola cararay isbitaalka Hadaasa ee ku yaala xaafadda Caynu-Karam ee Qudusta galbeed, ee ku jirta gumeysiga Yahuudda xagjirka ah.
Saraakiil katirsan xafiiska Bin Yamin Natanyahu ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ra’iisul wasaaraha loola cararay isbitaalka, kadib markii heer kulka jirkiisa uu aad u kordhey.
Qandho aad u daran oo aan la ogeyn waxa tahay ayaa laga soo sheegayaa iney ku habsatay Bin Yamin Natanyahu, waxaana weli uu ku suganyahay isbitaalka,waxaan Allaah SW ka baryeynaa inuusan gaalkaasi isbitaalka kasoo bixin oo goobtaasi uu ku baqtiyo.