Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax shalay gelinkii dambe ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Wadajir kaasi oo lala beegsaday gaari ay la socdeen xubno ka tirsan dowlada Ridada.
Qaraxa oo qabsaday gaari Nuuca Raaxada ah ayaa sababay dhimashada sarkaal katirsanaa shaqaalaha golaha Baarlamaanka dowladda Ridada.
War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayay ku sheegatay mas’uuliyadda qaraxa oo lagu beegsaday gaariga Cabdi Xafiid Yuusuf Ibraahim oo kamid ahaa howlwadeennada Baarlamaanka.
“Mujaahidiinta ayaa qarax ku dilay mid kamida howlwadeennada Golaha Baaralamaanka dawaaqiidda Murtadiinta wuxuuna qeyb ka yahay howlgallada ka dhanka ah madaxda cadawga” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.
Dhinaca kale Golaha Baarlamaanka maamulka Murtad Farmaajo ayaa xaqiijiyay in mid kamida howadeennadooda lagu dilay qarax shalay ka dhacay isgoyska Zoobe ee bartamaha Muqdisho.
Qoraal kasoo baxay Hoggaanka Baarlamaanka ayaa looga hadlay geerida Cabdi Xaafid Yuusuf Ibraahim oo kamid ahaa Howlwadeenada Golaha Shacabka.
“Cabdi Xaafid ayaa fiidkii hore ee xalay ugeeriyooday Dhaawac daran oo ka soo gaaray Qarax loogu xiray gaarigiisa, Waxa uu xiligaas marayay laami yaraha Zoobe ee magaalada Muqdisho, ehelladii uu ka baxay ayaan Tacsi udiraynaa” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay golaha Dhawaaqiida Dowlada Ridada.