Ciidamada Shabaabul Mujaahdiiin ayaa si buuxda ila wareegay deegaanka Istiraatiijiga ah ee Cali Fooldheere oo ka mid ah deegaanada dhaca duleedka degmada Mahadaay ee gobalka Shabeelada dhexe kadib markii ciidamada Kufaarta Burundi isaga carareen deegaankaasi
Wararka ka imaanaya deegaanka Cali Fooldheere ayaa sheegaya in ciidamada Mujaahidiintu ay Raayada Towxiidka ka taageen deegaanka iyo saldhigyo melleteri oo ay faarujiyeen ciidamada ciidamada Kufaarta Burundi.
Askarta Shisheeyaha gaar ahaan kuwa Burundi oo muddo Sideed Bilood ah duulaan ku joogay deegaanka ayaa saaka isaga baxay deegaanka Cali Fooldheere oo qiyaastii 12 KM dhanka waqooyi uga beegan magaalada Mahadaay.
Ciidamada Burundi oo ay kaabayeen saraakiil Caddaan Saliibiyiinta Mareykanka ah ayaa deegaanka Qabsaday 9, Augst 2017 wixii xilligaas ka dambeeyay ayay ciidamada shisheeye la kulmayeen weeraro dhabbagalla ah oo uga imaanaya Shabaabul Mujaahidiin.
Khamiistii lasoo dhaafay wadada xiriirisa deegaanka Cali Fooldheere iyo Mahadaay waxaa ka dhacay weerar dhabbagal ah oo loo dhigay kolonyo gaadiid ah oo sahay siday ciidamada maanta baxay.
Sababta ay ciidamada Kufaarta Burundi isaga baxeen Cali Fooldheere ayaa ah iyagoo wajahayay xaalad go’doon ah kadib markii laga jaray wadadii ay saadka isugu kala gudbin jireen.
Maansha Allaah,waa narsi Alle siiyey mujaahidiinta iyo muslimiinta shareecada rabta, waana u ayaandarro kuwa cadawga kuffaartaa u ah carra tuurka iyo in eey ku hogaaminayaan dugsiyadda ardayda diinka Alle lagu barayo.waa u maalin farxad inta jecel gaalada in eey wadankeena inooga baxdo,waana u maalin madoow kuwa shilinku caqiidada u noqday helina maayaan iinsha Allaah… cizzi llillaaaah.
alle ayaa mahad iskale mar hadii gaaladii umada muslimiinta dhibaateyneysay allah swc kadulkhaaday