Taliska ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa war dheeri ah kasoo saaray weeraro saf ballaaran oo maanta ka dhacay saldhigyo ciidamada Kufaarta Afrikaanta ay ka sameysteen degmooyin iyo deegaano Katirsan Shabeelada Hoose.
Sheekh Cabdi Caziiz Abuu Muscab Afhayeenka Ciidamada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in inka badan (59) Konton Iyo Sagaal askari Ugandeys ah lagu dilay weeraro isugu jiray xoog ku gal iyo istish-haadi.
Sheekh Abuu Muscab afhayeenka Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ayaa intaasi ku daray in Weerarka Xoog ku galka ah ee Shabaabul Mujaahidiin ay ku qaadeen saldhiga ciidamada Saliibiyiinta Uganda ee degmada Buulo Mareer ay ku shihiideen 14 Mujaahid oo ah Raggii weerarka Ingimaasiga ku galay xeradaasi.
Sidoo kale Sheekh Abuu Muscab waxa uu sheegay in ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ay weerareen illaa 6 saldhig oo ay ku sugnaayeen ciidamada shisheeyaha gaar ahaan kuwa Yugaandha.
Weerarka koowaad uguna xoogga badnaa wuxuu ka dhacay saldhigga Kufaarta Uganda ee Buula Mareer kadibna waxaa xigay weerar istish-haadi ah oo lala helay kolonyo gaadiid ah oo kasoo gurmanayay deegaanka Golweyne.
Sidoo kale weerar madaafiic ah waxaa lagu qaaday saldhigga ciidamada Gaalada ee Qoryooleey iyo laba saldhig oo ku kala yaala deegaannada Danoow iyo Maryan Gubaay, weeraradaas ayaa sababay in ciidamada AMISOM ay ugurman waayaan ciidamadooda lagu xasuuqayay degmada Buula Mareer
قاتلوهم يعذبهم الله بايديكم ويخزهم وينصركم عليهم ويشف صدور قوم مؤمنين.
وإنا إنشالله بكم لاحقون.
asc waafar usoo hooyatay muslimiinta allow jibi gaalada iyo murtadiina waxay ladirarayaan kitaabkaada,, allow arkartaadana ugargaa intii shahiidayna allow karaalinoqo, allow waxaatahay mowlahaynii