Diyaaradaha duuliye la aanta dowlada Saliibiyadda Mareykanka ayaa mar kale duqeyn cadowtooyo ka geysatay baadiyaha deegaanka kaam-jiroon ee duleedka magaalada kismaayo halkaas oo ay ku xasuuqeen dad shacab ah oo aan waxaba galabsan.
Duqeynta oo ay fulisay diyaarad nooca duuliye la’aanta ah ayaa lala beegsaday hal qoys oo meel wada gadan waxaana duqeynta kaga geeriyooday 3 qof. halka 4 kalane uu dhaawac soo gaaray.
Idaacada islaamiga andalus ayaa wareysi la yeelatay aabaha reerka weerarka duqeynta ah la kulmay Waxeyna weydiisay sida ay wax u dhaceen iyo dhibaatada soo gaartay qoyskiisa.
Aabaha ayaa tilmaamay in duqeyntu ay ahayd mid si bareer ah loola beegsaday qoyskiisa, waxuuna ka warbixiyay sida ay wax u dhaceen.
Ma ahan markii ugu horeysay oo ay diyaarada Maraykanku dad shacab Muslimiin ah la beegsadaan duqaymo dhanka cirka ah, gobollada Jubbooyinka waxay kamid yihiin meelaha ay ka dhacaan weerarada gummaadka ah ee ka dhanka ah shacabka Rayidka ah.
Halkan Hoose Ka Dhageyso Ehelada Qosyska Diyaaradaha Mareykanka Xasuuqeen.
Calamada.com