Sideed ruux Muslimiinta Filistiin ah ayaa shahiiday ku dhawaad KUN kalena wey dhaawacmeen kadib iska hor imaadyo jimcadii labaad ka dhacay magaala Gaza dhulka barakeysan ee filistiin.
Dibad baxyadii loogu magac daray Soo Noqoshadii Weyneyd ayaa galay maalinkii 8aad oo xiriir ah, shalayna waxa ay ahayd jimcadii labaad oo si toos ah ay u socdaan.
Kumanaan Falastiiniyiin ah ayaa ka qeyb qaadanaya dibad baxyadan looga soo horjeeda kayaanka Sahayuuniga Yahuuda ee xooga ku heysta dhulka Muslimiinta, waxa ayna dhalinyaradu isticmaalayeen dhagxaan ay ku tuurayeen ciidanka Yuhuuda ee lasoo buuxiyey xuduuda ay la wadaagaan Magaalada Gaza.
Waziirka caafimaadka xukuumada Falastiin ayaa xaqiijiyey shuhadada 8 qof oo u badnaa dhalinyaro iyo dhaawaca ku dhawaad Kun qof oo 250 kamid ah xaaladoodu adagtahay.
Ciidanka Yuhuuda ayaa dibad baxayaasha u isticmaalay rasaasta nool nool waxa ayna dhalinyarada ka tooganayeen qeybaha sare ee jirka taas oo ka dhigtay in badan oo dhaawacyada kamid ah ay noqdaan kuwa xaaladoodu culus tahay.
Saxafi goobta ku sugna ayaa soo wariyey in dhalinyarada Falastiiniyiinta awoodooda ay ku koobneyd dhagax tuur iyo taayara ay gubayeen balse ciidanka Yuhuuda waxey isticmaaleen awood xad dhaaf ah si ay ukala eryaan mudahaaradayasha Muslimiinta Falistiin.
Calamada.com
Walaahi way heleen shahaadadii waxaan leenay anagu waan jecelay mawdka