Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha dhexe waxey sheegayaan in askar ka tirsan maamulka gaala raaca Hir Shabelle lagu dilay qarax ka dhacay duleedka magaalada Jowhar.
Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in qaraxa oo ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso lala beegsaday askar isbaaro u tiilay degaanka Xaanshooleey oo deegaan 4-km dhanka Waqooyi uga beegan magaalada Jowhar.
Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxan ku dhintay Labo askari oo ka tirsan maleeshiyaatka maamulka Ashahaado la dirirka isku magacaabay Hir-shabelle, kuwaas oo meydadkooda loo qaaday dhanka magaalada Jowhar balse waxey warar hoose sheegayaan in khasaaraha maleeshiyaatka Murtadiinta kasoo gaartay qaraxa intaasi uu ka badanyahay.
Goobta isbaarada uu qaraxa ka dhacay ayaa ah goob maleeshiyaatka Murtadiinta ah si aad ah ugu dhibaateeyaan dadka iyo gaadiidka safarka ah.
Calamada.com