Qarax aad u xoogan oo dhawaaqiisana si aad ah looga maqlay xaafadaha kala duwan ee degmada Baraawe ee Wilaayada Sh/hoose ayaa lala beegsaday maleeshiyaatka Murtadiinta ee Kufaarta Afrikaanta kula sugan degmadaasi.
Qaraxa waxa uu sigaar ah kaga dhacay goob maalin walba ay fadhiistaan maleeshiyaatka Murtadiinta goobtaasi oo u dhaw barxadda Tabuuk ee degamda Baraawe.
Inta la xaqiijiyay qaraxan waxaa baqti iyo dhaawac ku noqday Shan askari oo ka tirsan Maleeshiyaatka Murtadiinta kuwaasi oo xilliga qaraxa goobta fadhiyay.
Dhanka kale weerar dhabba gal ah ayaa loo dhigay kolanyo ka tirsan ciidamada Kufaarta Afrikaanta kuwaasi oo ku socdaalayay inta u dhaxeysa deegaanada Danow iyo Golweyn ee duleedka degmada Buula mareer.
Kolanyada Kufaarta ah ee Kamiinka loo dhigay ayaa ku sii jeeday dhanka degmada Buula mareer waxeyna wararka la helayo sheegayaan in kolanyo Kufaarta Afrikaanta ah khasaara lagu gaarsiiyay weerarkaasi dhabba galka ah.
Kamiinkan ayaa kusoo aadaya xilli fiidkii hore ee xalay ciidamada Mujaahidiinta WI Sh/hoose dagaal xoogan ku qaadeen saldhiga ciidamada Kufaarta Afrikaanta ay ka sameysteen deegaanka Ambareso oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Baraawe.
Saldhiga ay weerareen ciidamada Mujaahdiinta waxaa sigaar ah ugu sugan ciidamada Saliibiyiinta Uganda waxaana saldhigaasi ka dhacay dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Labo Habeen ka hor ayey aheed markii dagaal culus oo ciidamada Mujaahidiinta ay ku qaadeen saldhiga ciidamada Kufaarta Uganda ee degmada Baraawe lagu dilay Saddex askari oo Yugandheys ah hal askarine waa lagu dhaawac kaasi oo isagana ka tirsanaay askarta Saliibiyadda Uganda.
Allahu akbar hanolato xarakadu