Gabadhaan Muslimada ah oo kasoo jeeda qoys Reer Miyi ah ayaa laga afduubtay meel ku dhow Gurigooda oo kuyaala deegaanka KAANO oo katirsan gobolka Kashmiir.
Falkaan ayaa waxaa geystay dhowr nin oo gaalo Hinduus ah, kuwaas oo daroogeeyey gabadha yar ee Muslimada ah, ka hor inta aysan ula dhaqaaqin Macbad ay Hinduusku leeyihiin, halkaas oo ay ku kufsadeen 8 ka mid ah gaalada oo uu ku jiro Sarkaal Boolis ah.
Gabadhan 8 jirka ah ayey 5 maalin oo xiriir ah gaaladu ku heysteen gudaha Macbadka Hinduska kadibna dhagax ayay madaxa kaga garaaceen ilaa ay ka dhimatay, sida ay sheegeen baarayaasha kiiska.
Banaanbaxyo waaweyn oo ay dhigayeen dadka Muslimiinta ah ayaa ka dhacay qaybo badan oo ka mid ah wadanka Hindiya, ayna ku jirto caasimada Niyuu Delhi, kuwaas oo looga soo horjeedo falkaas wuxuushnimada ah ee lagula kacay gabadhaas Da’da yar ee Muslimada ah.
Banaanbaxyo kuwaas kasoo horjeeda laguna taageerayo falkii kufsiga iyo dilka isugu jiray ee lagula kacay gabadha yar ee Muslimada ah ayaa iyaguna ka dhacay qaybo kamid ah isla wadanka Hindiya, kuwaas oo ay ka qayb galeen Labo wasiir oo ka tirsan xisbiga “Bii Jeey Bii” oo ah xisbi ay leeyihiin xagjiriinta Hinduuska Lo’da caabuda ee uu hogaamiyo Ra’iisul wasaaraha wadankaas “Narendara Muudi.
Police-k Hindiya ayaa sheegay in falkaan ay u xireen ilaa 8 qof oo la tuhunsan yahay inay ku lug lahaayeen faraxumeynta iyo dilka , balse ehelada gabadha ayaa sheegay in ciidanka Hindiya aysan ka sugeyn wax cadaalad ah, maadama ay Muslimiinta Kashmiir kula jiraan dagaal toos ah.
Arintan laga argagaxay ayaa waxa ay qeyb ka tahay tacadiyada aan kala sooca lahayn ee ay la kulmayaan Musliminta Kashmiir ee ku hoos-jira gumaysiga dowlada Hindiya, kuwaas oo aysan jirin wax u badbaaday Naf, Maal iyo Sharaf.