Kooxda Xuuthiyiinta ee ka dagaallanta wadanka Yaman ayaa shaaca ka qaaday inuu dhintay mid kamid ah saraakiisheeda ugu sarreeya ee hogaaminayay malleeshiyaadka Xuuthiyiinta.
War kooban oo lagu baahiyay tvga Al-masiira oo ku hadka Afka Xuuthiyiinta ayaa lagu sheegay in madixii golaha sare ee Xuuthiyiinta Saalax As-samaad uu ku dhintay khamiistii lasoo dhaafay duqeyn ka dhacday gobolka Al-Xudeyda ee dhaca galbeedka wadanka Yaman.
Xuuthiyiinta ayaa ku eedeyay isbaheysiga uu hogaamiyo maamulka Aala-Sucuud iney ka dambeeyaan duqeynta lagu dilay Saalax, waxaana ay ku hanjabeen iney ka jawaabi doonaan.
Cabdil Malik Al-xuuthi oo ah madaxa malleeshiyaadka Xuuthiyiinta ayaa sheegay iney jawaab cad ka bixin doonaan dilka hogaamiyahooda loo geystay, waxaana Xuuthiyiintu dhanka kale ku dhawaaqeen qofka bedelay jagada uu Saalax hayay, taas oo loo dhiibay nin lagu magacaabo Mahdi Al-mashaadh.
Saalax ayaa lagu xusuustaa hadal uu jeediyay bilooyin kahor, kaas oo uu ku sheegay in maalin kasta ay hal saaruukh oo nooca balstikada ah ku tuuri doonaan dhulka Xarameynka ee uu ka taliyo maamulka Aala-Sucuud.