Qaraxyo ayaa lala beegsaday askar isugu jirta Booliska dowlada Ridada iyo kuwa Kufaarta AMISOM,iyadoona faahfaahin laga helayo qaraxyadan.
Qaraxa Kowaad waxa uu ka dhacay xarun Booliska ay ka sameysteen degmada Shibis ee magaaladan Muqdisho,waxaa weerarkan qaraxa ah lagu dhaawacay askari ka tirsan Booliska Shisheeyaha Afrikaanta ah iyo Saddex askari oo ah kuwa Booliska Somalia.
Qaraxa Labaad waxa uu ka dhacay xarunta Laanta degmada Xamar Jajab waxaa qaraxan ku dhaawacmay Afar askari oo ka tirsan Booliska dowlada Ridada.
Qaraxa Saddex-aad waxaa lagu weeraray xarunta Laanta xaafada Suuq Bacaad ee degmada Yaaqshiid kaasi oo sidoo kale khasaara nafeet iyo mid hantiyadeed lagu gaarsiiyay maleeshiyaatka maamulka Murtad Farmaajo.
Qaraxyadan ayaa kusoo aadaya xilli ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ay sii kordhiyeen weerarada ka dhanka ah ciidamada Kufaarta iyo kuwa Murtadiinta ee ay ka fuliyaan gudaha magaalada Muqdisho.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Somalia, Somalia.