Dalka Mareykanka ayaa lagu dilay dalka Mareykanka taasoo naxdin iyo walwal ku abuurtay Soomaalida ku dhaqan wadankaas, waxaana illaa iyo hadda la hadal hayaa dhacdadan.
Labadan wiil oo lagu kala magacaabo C/laahi Sacid Sharif oo 30 jir ahaa & Cabdiqaaliq Sacid Maxmed oo 20 jir ahaa, ayaa waxaa lagu toogtay magaalada Columbus.
Soomaali badan ayaa ka qeyb qaadatay aaska loo sameeyay oo ka dhacay isla magaaladaas, iyadoo dadkii meydadka arkay ay sheegayaan in rasaas ay ku tiilay oogada labada wiil ee Soomaalida ah.
Mid kamid ah labada wiil, waxa uu lahaa xaas iyo laba caruur ah, halka kan kale uu ahaa nin doob ah. Illaa iyo hadda, si toos ah looma sheegin cidda ka dambeysa dhacdadan.
Ma ahan markii ugu horeysa oo dad Soomaali ah lagu dilo wadanka Mareykanka, Bil ka hor waxaa dalka Ingiriiska lagu dilay dhallinyaro Soomaaliyeed.