Mid kamida xildhibaanada Baarlamaanka DF-ka ayaa xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho xilli xildhibaannadu isku diyaarinayaan doorashada guddoomiye cusub.
Cabdi Wali Muudeey oo ah guddoomiye ku xigeenka Baarlamanka ayaa xaqiijiyay in uu geeriyooday xildhibaan Khaliif Sheekh Cabdullahi Khaliif (Duureey) oo kamid ahaa xildhibaanada baarlamaanka kasoo galay dhanka maamulka Koonfur galbeed isku magacaabay.
Xildhibaanka Dhintay ayaa shalay gelinkii dambe loola cararay isbitaalka Madiina halkaas oo lagu dabiibayay si looga daweeyo cudur uu bilihii lasoo dhaafay la ildarnaa.
Ma ahan markii ugu horraysay oo xildhibaan uu ku dhinto magaalada Muqdisho, dhowr xildhibaan ayaan sidaan oo kale ugu dhintay gudaha dalka iyo dibaddiisa, culimaa’udiinka ayaa ka deyrinaya masiirka xubnahan sheegta in ay yihiin sharci dajiyayaal waxayna tuureen kitaabka alle iyagoo sameystay dastuur shisheeye soo qoray oo ay dadka uga dhigayaan diin laysku maamulo.