Waxaa marba marka ka dambeysa soo kordhaya diyaaradaha ay leeyihiin milliteriga Ruushka oo ku burburaya hawada wadanka Suuriya ee sida sharci darrada ah ay ku isticmaalayaan.
Maanta oo Khamiis ah, mid kamid ah diyaaradaha milliteriga dowladda Ruushka ayaa ku burburtay xeebaha badda medeterianka ee ku beegan gobolka Allaadiqiyah ee Suuriya.
Diyaaradda burburtay oo nooceedu yahay Sokhawi-30 ayaa waxaa ku dhintay labadii duuliye ee waday diyaaradda.
Dowladda Ruushka ayaa war ay soo saartay waxay ku sheegtay in diyaaradda burburtay aanu ku dhicin wax saaruukh ama gantaal ah.
Diyaaradda burburtay waxay ka duushey garoonka Xamiimiim oo ah garoon milliteri oo ku yaala Suuriya, islamarkaana ay isticmaalaan milliteriga Ruushka ee duulaanka ku jooga wadankaas.