Wararka ka imaanaya dalka Konfur Afrika waxey sheegayaan in saacadihii lasoo dhaafay Ruux Somali ah lagu dilay deegaan hoostaga magaalada Johannesburg ee dalka Konfur Africa.
Dilkan loo geystay Ruuxa Ganacsadaha ah waxaa geystay Kooxo Burcad Konfur Afrikan ah kuwaasi oo weerar ku qaaday goob ganacsi oo ay lahaayeen dhalinyaro Somali ah.
Kooxaha Burcadka ah ayaa goobtaasi Ganacsi ku dilay Wiil dhalinyaro ah oo ka mid ah dhalinyarada Somalida ah ee goobtaasi ganacsi laheed kaasi oo lagu magacaabo Khadar Muxamed Nuur.
Kooxaha Burcad Konfur Afrikanta ah ayaa sidoo kale dhaca baahsan u geystay goobtaasi ganacsi,iyagoona ka qaatay Lacag iyo agabyo ganacsi oo aad u fara badan.
18-kii Bilood ee lasoo dhaafay waxaa gudaha dalka Konfur Afrika lagu dilay inka badan 143 ruux oo Soomaali ah kuwaasi oo qeyb ka ahaa ganacsatada Soomaalida ee ku sugan dalka Konfur Afrika,waxeyna tani muujineysaa in Kooxaha Burcad Konfur Afrikanta ah sii kordhiyeen dilalka iyo boobka ay ku hayaan dadka Somalida ah ee ku sugan dalkaasi.
Calamada.com