Boqolaal qof ayaad mudaaharaadyo ka dhigay magaalada Arkhabiil oo katirsan Jaziiradda Soqatrah ee wadanka Yemen waxaana dibad baxyadaas loogasoo horjeedaa dowladda dabadhilifka Imaaraatka Carabta.
Dadka mudaaharaadyada dhigaya ayaa ku dhawaaqaya erayo ka dhan ah madaxda dowladda imaaraatka Carabta oo ciidamadeedu ay maalmo ka hor ay qabsadeen Jaziiradda ku dhextaalla Badweynta Hindiya.
Hoggaamiyaasha bulshada magaalada Arkhabiil ayaa ugu baaqay dowladda Imaaraatka in sida ugu dhaqsiyaha badan ay ciidamadeeda ugala baxday Jaziiradda.
Dhammaan goobaha waxbarashada iyo suuqyada ganacsiga magaalooyinka Jaziiradda Soqodrah ayaa xiran waxaana jira Bandaw ay ciidamada Murtadiinta Imaaraatka Carabta ay soo rogeen si ay u damiyaan kacdoonka ka dhanka ah mashruucooda gummeysi doonka ah.
Goob Joogayaal ayaa sheegay in Haween iyo dhallinyaro careysan ay isugusoo baxeen waddooyinka waaweyn waxayna ugu baaqayeen dowladda imaaraatka in ciidamadeeda ay ka saarto jaziiradda.
Maalin ka hor dowladda imaaraatka ayaa Jaziiradda Soqodrah udiray afar diyaaradeed oo sida gaadiid gaashaaman iyo ciidamo dheeri ah, ciidamada murtadiinta imaaraatka ayaa gacanta ku dhigay goobaha muhiimka ah sida dekadda weyn ee Soqodra iyo xarumaha maamulka.
Xukumadda Fadhiidka ee uu madaxda ka yahay Cabdi Rabih Haadin Mansuur ayaa dhankeeda dowladda Imaaraatka ku eedeysanaysa in uu faragelin rasmi ah ku heyso islamarkaana ay qabsaneyso magaalooyin dhaca Koonfurta wadankaasi.
Dowladda imaaraatka ayaa horay gacanta ugu dhigtay magaalooyinka waaweyn ee Koonfurta dhaca sida Cadan iyo Mukalla waxayna ka hirgelisay maleeshiyaad ashahaadda ladirir ah iyo xabsiyo qarsoodi ah oo lagu tacdiibiyo dadka muslimiinta ah.