Wararka ka imaanaya magaalada Mandheere oo ka mid ah dhulka Kenya xooga kaga heysata Somalia waxey sheegayaan in saaka qaarx culus uu ka dhacay duleedka mid ka mid ah deegaanada hoostaga magaaladaasi.
Qaraxan waxa uu sigaar ah kaga dhacay agagaarka deegaanka Dibasiti kaasi oo lala beegsaday askar ka tirsan Saliibiyiinta Kenya oo ku socdaalayay duleedka deegaankaasi.
Qaraxa ayaa haleelay gaari ay la socdeen ciidamada gaarka ah ee isku magacaabay GSYOU oo ah kuwa Koofi Gaduudka dowlada Saliibiyadda Kenya,iyadoona faahfaahin laga helayo qaraxaasi.
Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay in qaraxaasi lagu dilay hal askari laguna dhaawacay Afar askari kuwaasi oo wada ah askarta Saliibiyiinta Kenya,sidoo kale gaariga ayaa burburay kadib markii qeybta hore uu qaraxa ka haleelay.
Qaraxan ayaa kusoo aadaya xilli dhawaan Askar fara badan oo ka tirsan kuwa Kufaarta Kenya Baqti iyo dhaawac ay ku noqdeen qarax xoogan oo gaari Xamuul ah looga gubay kaasi oo lagula beegsaday duleedka magaalada Dhoobley ee Wilaayada Jubbooyinka.
Maalmo ka hor ayeey aheed markii ciidamada Shabaabul Mujaahidiin weerar qorsheysan oo ay ka fuliyeen deegaanka Shimbir Fadumo oo ku yaala duleedka Mandheere ay ku dileen Shan Saliibiyiin Kenyaan ah laguna dhaawacay Labo kale oo isla gaalada Kenyaatiga ah.
Calamada.com