Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin waxey dagaal culus ku qaadeen saldhiga degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho halkaasi oo fariisin weyn u ah maleeshiyaatka dowlada Ridada.
Dagaalkan waxaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan,iyadoo dhawaaqa rasaasta dagaalka si aad ah looga maqlayay gudaha iyo duleedka magaalada Muqdisho.
Dadka shacabka ee ku dhaqan degmada Kaxda ayaa sheegay in dagaalkan uu ahaa midkii ugu xooganaay ee Sanadihii u dambeeyay ka dhaca degmada Kaxda,waxeyna warar hoose sheegayaan in dowlada Farmaajo tiro askar ah dhimasho iyo dhaawac ay kaga noqdeen dagaalka.
Ciidamada Mujaahidiinta Alshabaab ayaa inta badan la wareegay gacan ku heynta degmada Kaxda,iyagoona ugu dambeyntii dib uga baxay degmadaasi.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Mogadishu, Somalia.